Raila oo la kulmay wasiiru dowlaha waddamada barwaaqa sooranka

0
664

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga oo safar ku joogo Ingiriiska ayaa magaalada London kulan kula qaatay wasiiru dowlaha boqortooyada u qaabilsan dhanka Commonwealth ama waddamada barwaaqa sooranka ah iyo arrimaha horumarka Tariq Axmad .
Raila ayaa soo jeediyay in qaab iskaashi dhinacyo badan ah wax looga qabto caqabadaha dunida ka jiro oo uu ka mid yahay cudurka COVID-19.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in laga wada shaqeeyo sidii dalalka caalamka ay si siman uga soo kaban lahaayeen saameynta corona.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sida dowladaha Kenya iyo UK ay iskaga kaashan karaan dhinaca horumarka iyo kobcinta dhaqaale ka dib marka laga gudbo caabuqa corona.
Raila Odinga ayaa intaasi ka dib xoghaynta barwaaqa sooranka ee Commonwealth u jeediyay khudbad ku saabsanayd waddada loo mari karo in Kenya ay doorasho nabad ah ka dhacdo, xeerarka isbeddelka u baahan iyo in mudwaanta koowaad la siiyo midnimada.