Ururka waaxyaha gaarka ah oo maanta la kulmaya madaxda Kenya Kwanza

0
337

Waxaa uu hadda kulan u socdaa dalladda ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee (KEPSA) iyo hoggaamiyaasha isbeheysiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza.
KEPSA ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay inay marti qaadday mas’uuliyiinta Kenya Kwanza si ay faahfaahin uga bixiyaan qorshahooda dhaqaale.
Shirka ayaa ka dhacaya maqaaxida Villa Rosa Kempinski ee magaalada Nairobi waxaa uuna qayb ka yahay kulamo ay KEPSA la yeelanaysa musharraxiinta madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii KEPSA oo kaashanaysa waaxyo kale ay daahfurtay olole looga gol-leeyahay in codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ay si nabad ah ku dhacdo.