Madaxweynaha Ukraine oo doonaya in Ruushka uu soo afjaro duullaanka militari

0
373

Madaxweynaha wadanka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in natiijada uu ka filayo wada hadallada nabadeed ee kala dhexeya dowladda Ruushka ay tahay mid cad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu mudnaanta koowaad siinaya sidii xukuumadda Moscow ay u soo afjari lahayd duullaanka militari ee ay Ukraine ku qaadday 24-kii bishii hore.
Zelenskyy ayaa sidoo kale dalbanaya in loo sameeyo dhamaanaqaad dhanka ammaanka ah , qadarinta madax bannaanida dhuleed ee dalkaasi iyo badbaadin buuxda.
Arrimahan ayuu shaaca kaga qaaday khudbad uu xalay jeediyay.
Sidoo kale waxaa uu ciidamada dalka Ruushka uga digay inay la kulmi doonaan khasaare aad u wayn.