Maxaa ugu dambeeyay duullaanka Ruushka ee Ukraine?

0
459

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis tanaasul ku saleysan laga gaari doono wada hadallada ku saabsan dagaalka u dhexeya Ruushka iyo Ukraine.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu soo warramayaa inuusan weli codsi degdeg ah u bandhigin kongareeska Maraykanka si ay wax uga qabtaan howlgallada militari ee xukuumadda Moscow.
Waxaa uu Zelenskyy sheegaya in dalabaadka Ruushka ee ay ku soo bandhigeen wada hadallada nabadeed ay u muuqdaan kuwo caqli gal ah.
Ra’iisul wasaarayaasha dalalka Poland, Czech Republic iyo Slovenia waxay soo gabagabeeyeen safar ay ku tageen magaalada Kyiv iyo kulamo ay la qaateen madaxweyne Zelenskyy iyagoo isgarabsi ku baaqay.