DHAGEYSO:Madaxa fulinta ee guddiga IEBC oo maanta la dhaariyay

0
388

Waxaa maanta xilkiisa si rasmi ah loogu dhaariyay Xuseen Marjaan oo dhawaan si buuxda ula wareegay jagada madaxa fulinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo uu horay si ku meel gaar ah u hayay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi waxaana dhaarisay madaxa caddaaladda ee dalka Martha Koome.
Xuseen Marjaan ayaa hoggaamin doono xoghaynta IEBC oo u xilsaaran maareynta howlaha maalinlaha ee guddiga doorashooyinka dalka.
Guddiga IEBC ayaa horay u sheegay in Xuseen Marjaan uu ku soo baxay tartan u dhexeyay ilaa 6 qof oo la turxaan bixiyay.
Xuseen Marjaan ayaa ku dhaartay inuu guddiga ugu adeegi doono si hufan oo waafaqsan dastuurka dalka iyadoo aynan jirin cabsi , eexasho iyo nin jecleysi.