11 ka mid ah meydadkii bishii koowaad ee sanadkan laga helay webiga Yala ee ismaamulka siaya ayaa waxaa aqoonsaday qoysaskooda.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Gem ,Mosero Chacha ayaa sidatan warbaahinta u sheegay.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydadka laga saaray isbitaalka degmada Yala si loo aaso.
Guddoomiye Chacha ayaa wargeyska Standard u sheegay inay maxkamadda ka codsadeen inay aasaan meydadka kale ee halkaasi yaalla maadaama labo bilood ka dib aysan jirin cid sheegatay.
Waxaa uu xusay in meydadka ay ahaayeen 26 oo 15 ka mid ah aan weli la aqoonsan.