Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegaya inaysan haysan miisaaniyad ay ku maareyn karaan wareegga labaad ee codeynta haddii ay dantu keento.
Xaaladdan ayaa dhici karto haddii wareegga koowaad ee doorashada aynan jirin cid tartanka ku soo baxdo taasoo sababta in wareeg labaad loo gudbo si musharraxiinta loo kala reebo.
Hasa ahaate waxaa uu Chebukati hoosta ka xarriiqay in ka guddi ahaan ay u diyaar garoobeen maareynta doorashada guud ee Kenya ka dhacaysa 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC ayaa xusay in hadda uunan qorshaha ugu jirin wareeg labaad balse hadii ay dhacdo ay maamuli doonaan.
Wafula Chebukati ayaa dhanka kale tilmaamay in sanadkan aan dadweynaha loo sameyn wacyigelin ku filan caqabado miisaaniyadeed awgood.
Sidoo kale waxaa uu dhammaan daneeyaasha arrimaha doorashada ka codsaday inay guddiga garab ku siiyaan sidii uu ugu guulaysan lahaa qabashada codeynta guud.
Wafula Chebukati , guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee wadanka ayaa arrimahan ka sheegay kulan wada tashi ah oo ay ka qayb galeen hay’adaha diimeed ee dalka.
DRG is an inter-faith group on matters Governance.#GE2022 pic.twitter.com/aHZoxT3WTL
— IEBC (@IEBCKenya) March 15, 2022