Duqeyn ka dhacday caasimadda Ukraine oo ay dad ku dhinteen

0
601

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhimatay duqeyn lala beegsaday dhismo ay dad degan yihiin oo ku yaalla caasimadda Kiev ee dalka Ukraine.
Waxaa sidatan sheegtay waaxda gurmadka degdeg ah ee Ukraine.
Wararak ayaa intaasi ku daraya in dhismahaasi laga soo badbaadiyay 35 qof.
Dagaal ayaa ka socda magaalada Irpin oo 15 kiiloomitar u jirta caasimadda, waana goob istaraatiiji ah.
Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka uu ogaaday haatan in wax guul ah uusan ka gaarin dagaalka.
Dhanka kale ra’iisul wasaarayaasha dalalka Poland, Czechk Republic iyo Solvenia ayaa u safraya Kyiv si ay ula kulmaan madaxweyne Volodymyr Zelensky.