Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, Kanze Dena ayaa sheegtay in sare u kaca dhanka maciishadda aynan ahayn arrin ku kooban dalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in culeyskan uu yahay mid laga dareemayo guud ahaan caalamka.
Mrs. Dena ayaa dhibaatadan u aaneysay arrimo badan oo uu ka mid yahay dagaalka u dhexeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Waxay carrabka ku dhufatay in dagaalka uu sababay kororka qiimaha shidaalka ee dunida oo aad muhiim ugu ah wax soo saarka.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay idaacadda Radio Kaya waxay dhanka kale ku sheegtay in deynta sii kordhaysa ee lagu leeyahay Kenya ay tahay mid ku saleysan baahiyaha qaran oo ay ka mid tahay tirada shacabka oo sii badanaysa.
Shalay ayay ahayd markii maamulka tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA uu qiimaha noocyada shidaalka ku kordhiyay 5 shilin.
Bishii hore ee Febraayo ayay Kenyaanka baraha bulshada ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin sare u kaca qiimaha cunnooyinka iyo dalagga.
Dadweynaha ayaa xilligaasi adeegsanayay cinwaanka #Lower Food Prices, oo loola jeedo hoos u dhig ama yaree qiimaha cunnada sida burka , booshada , rootiga,khudaarta iyo miraha laga sameeyo cabitaannada waxayna farriin toos ah u dirayeen dowladda.