Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRO: Diyaaradaha Caalamiga oo dib u bilaabay duulimaadyadoodii Muqdisho

SAWIRO: Diyaaradaha Caalamiga oo dib u bilaabay duulimaadyadoodii Muqdisho

Waxaa si rasmi ah duulimaadyadooda dib u billaabay shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka Aadan Cadde maalin ka hor ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Sababaha ay duulmaadyada u hakiyeen shirkadaha diyaaradaha ayaa waxaa ay ku sheegeen arrimo dhanka amniga ah, ka dib markii shaqaaqooyin u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa ay wateen Midowga Musharixiinta ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaadiidka ee DFS Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ku suganaa Garoonka yaa sheeggay in Maanta ay dib u bilaawdeen duulimaadyada Caalamiga ah, isla markaana ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.
Sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.
Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalin ka hor ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen shaqada Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dib markii uu ku dhacay mid kamid ah hubkii labada dhinac ay isku ridayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments