Wasiirka waxbarashada dalka oo u riyaaqay habsami u socodka KCSE

0
337

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee wadanka Prof. George Magoha ayaa sheegay in imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCSE-da oo galay maalinkii labaad uu si habsami leh u socdo.
Wasiir Magoha ayaa maanta ku sugan ismaamulka Murangá ee bartamaha dalka waxaana la filayaa inuu kormeer ku sameeyo dhowr ka mid ah xarumaha imtixaanka.
Magoha ayaa weli ardayda ugu baaqaya inay aad ugu dadaalaan habdhaqanka habboon ee laga doonayo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay jiraan dhacdooyin kooban oo ah khaladaad si sharci ah loo xallin doono.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda tacliinta aasaasiga Julius Jwan ayaa isagana ku sugan magaalada Kabarnet wuxuuna maareeyaasha xarumaha imtixaanka lagu sameynaya ku boorriyay inay u hoggaansamaan xeerarka degsan.
Ardayda ayaa laga soo billaabo abaare 8-dii subaxnimo ee maanta ilaa 10:30 barqanimo sameynaya maaddada xisaabta ka hor inta aynan u fariisan midda Ingiriiska .