Xoghayihii hore ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju iyo madaxii hore ee shaqaalaha madaxtooyada wadanka Nzioka Waita ayaa beeniyay inay doonayaan tikedhka xisbiga Jubilee si ay ugu kala tartamaan xilalka barasaabka iyo barasaab ku xigeenka ismaamulka Nairobi.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in wararka la faafiyay ee sidatan lagu sheegay ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in isbeheysiga Azimio uu Tuju u soo saari doono musharraxa barasaabka Nairobi halka Waita uu ku xigeen u noqonaya.
Hasa ahaate Tuju oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Capital ayaa sheegay in wararkan aynan sax ahayn.