Ergada qaran ee xisbiga UDA oo maanta shir yeelanaya

0
921

Waxaa uu qorshuhu yahay inay maanta deegaanka Kasarani ee magaalada Nairobi ay isugu tagaan in ka badan 5000 oo ah ergada xisbiga UDA.
Ergada ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto si rasmi ah ugu ansaxin doono inuu noqdo musharraxa loolanka madaxtinnimo ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku matalaya xisbiga UDA.
Bishii hore ayay ahayd markii William Ruto laga xayuubiyay xilka hoggaamiye ku xigeenka xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee.
Senatarka ismaamulka Tharaka Nithi Senator Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in sidoo kale shirweynaha NDC ee maanta go’aamo muhiim ah laga soo saari doono.