Raila Odinga oo xalay u ambabaxay Ingiriiska

0
501

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa xalay u safray boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa uu halkaasi ku soo qaadan doonaa socdaal shan cisho ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Mr. Odinga uu ajeendihiisa siyaasadeed u bandhigo Kenyaanka ku nool Ingiriiska .
Safarka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa imaanaya ka dib markii dhawaan madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu soo gabagabeeyay safar uu maalmo ku joogay Maraykanka iyo UK.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Mr. Odinga ay safarka ku wehelinayaan barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho ,xildhibaanka bariga Suna Junet Maxamad, guddoomiyaha Nakuru Lee Kinyajui, xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth waxayna ku biiri doonaan xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli.
17-ka bishan oo Khamiista ku beegan ayuu hoggaamiyaha xisbiga ODM kulan la qaadan doonaa Kenyaanka qurbajoogta ah.
Shirka ayaa ka dhacaya magaalada London waxaana ka qayb geli doono shacab iyo mas’uuliyiin.
Kenyaanka ku nool Ingiriiska, Maraykanka, Canada , Jarmalka iyo waddamo kale ayaa markii ugu horreysay fursad u helaya inay ka qayb galaan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
12-kii bishan ayay ahayd markii Raila Odinga uu sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinnimo uu casriyeyn doono wax soo saarka beeraha wadanka si uu beeralayda uga caawiyo in dalag badan uu u soo go’o oo ayna uga faa’iidaan dadaalkooda.
Caawinta beeralayda waxaa ka mid ah in la dhimo qiimaha agabka beeraha.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inuu isbeddel ballaaran ku sameyn doono hannaanka caafimaad ee dalka isagoo ka sii wadaya halka uu gaarsiiyo maamulka Jubilee.
Raila ayaa xusay in daryeelka caafimaad ee BABACARE uu horseedi doono dhisidda isbitaallo badan , shaqaale caafimaad oo la dhiirigeliyay mushaar fiicanna qaata , caymis caafimaad iyo caafimaadka ka hor tagga cudurrada ku saleysan oo diiradda la saaro.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja ayaa kenyaanka u sameeyay ballanqaad ah inuu horjooge ka noqonaya dagaalka ka dhanka ah saboolnimada , shaqo la’aan iyo raja xumada ka jirto Kenya sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu tixgelin doono farqada 43-aad ee dastuurka wadanka oo dhammaan muwaadiniinta xuquuq u siinaya waxbarasho, caafimaad,cunno, biyo , hooy iyo badbaadin bulsho.
Raila ayaa sheegay inaan marnaba loo baahneyn in qof muwaadin ah uu dareemo in la iska hilmaamay.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga waxaa uu sidoo kale ballanqaaday inuu soo dhisayo dhaqaale qof kasta oo Kenyaan ah ka caawinaya inuu noloshiisa dabbaro , uu quud helo , carruurtiisa waxbaro ,mustaqbalka u kaydsado iyadoo si ula kac ah diiradda loo saarayo haweenka.