DHAGEYSO:Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kakamega

0
296

Waxaa la xaqiijiyay in hal qof uu dhintay ka dib markii abaare 6-dii maqribnimo ee shalay uu dab ka kacay labo ka mid ah booyadaha shidaalka oo marayay Kakamega.
Shilka oo laga soo tabiyay waddada u dhexeysa magaalooyinka Webuye iyo Eldoret gaar ahaan meel u dhow suuqa Mukhonje ee dowlad deegaanka Kakamega ayaa yimid ka dib markii baabuurtan ay isku dhaceen.
Hay’adda Laanqeerta Cas laanteeda Kenya ayaa qoraal ay xalay soo dhigtay barta Twitterka ku sheegtay in saraakiisha waaxyaha dab damiska ee ismaaamullada Kakamega iyo Bungoma ay ku guulaysteen inay dabka xakameeyaan.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in labo qof oo kale oo ay waxyeello soo gaartay lagu daryeelay isla goobta halka dhaawaca culus loo qaaday isbitaalka Lumakanda oo uu qofkaasi ku geeriyooday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu sidoo kale saameeyay ilaa afar dukaan.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah booyadaha gubtay si xowli ah loo kaxeynayay taasoo keentay in darawalka uu gaariga xakameyn waayo ugu dambeynna uu midka kale ku dhacay.
Dhanka kale labo qof ayaa ku dhimatay deegaanka hoose ee Ndenderu oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ka dib markii baabuur xamuul ah uu jiiray dad shacab.
Shacabka deegaankaasi oo warbaahinta la wadaagay dareenkooda arrintan ku aaddan ayaa codsaday in waddadadaasi la geliyo kuuskuus si loo xakameeyo xowliga gawaarida ay ku socdaan.

Audio Player