Musharraxa madaxweyne ee Azimio oo loo ansaxiyay Raila Odinga

0
406

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa maanta loo ansaxiyay inuu yahay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga higsiga mideynta ee Azimio La Umoja.
Go’aankan ayaa maanta looga dhawaaqay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxaa kulankan isugu yimaaday 300 oo ergo oo ah wakiillo ka kala socday xisbiyada haatan xubna  ka ah isbeheysiga Azimio.
Ergadaan oo ka tirsan 21 xisbi oo taabacsan dhaqdhaqaaqa Azimio ayaa saxiixay heshiis isbeheysi.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otinde Amollo ayaa ku dhawaaqay in heshiiska isbeheysiga uu si cad u qeexaya in Raila Odinga uu yahay musharraxa madaxweyne ee Azimio La Umoja.
Waxaa xarunta looga dhawaaqay heshiiskan ku sugnaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka iyo madaxda xisbiyada kale ee saxiixay heshiiska.