DHAGEYSO:Dowladda oo meesha ka saartay isticmaalka afxirka

0
807

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta dib u eegis ku sameysay tallaabooyinka ay dowladdu ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in laga billaabo maanta aynan khasab ahayn in Kenyaanka ay qaataan afxirka .
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in weli agabkan lagu sii isticmaali doono goobaha aan furnayn ee ay dadku ku badan yihiin.
Sidoo kale taageerayaasha kooxaha kala duwan ayaa loo oggolaanaya inay si toos ah garoomada uga daawadaan tartamada kala gedisan.
Wasiir Kagwe oo kenyaanka ku boorriyay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona ayaa tilmaamay in munaasabadaha cibaadada ay sidii caadiga ahayd ku soo noqonayaan in kastoo maamulayaasha goobaha cibaadada laga doonayo inay soo saaraan tallaabooyin looga hor tagayo faafitaanka cudurka.
Wasiir Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in dadka imaanaya wadanka haddii laga tallaalay corona aynan khasab ku ahayn in laga baaro cudurka.