Biden oo la filayo inuu xiriirka ganacsi u jaro Ruushka

0
695

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqo in dalkiisa uu meesha ka saaray xiriirkii caadiga ahaa ee dhanka ganacsiga ee kala dhexeyay dowladda Ruushka.
Tani ayaa horseedi doonto in canshuuro dheeraad ah lagu soo rogo badeecooyinka ay xukuumadda Moscow dibadda u dhoofiso.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal u ah qorshaha Biden.