Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in duullaanka militari ee uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ay ku dhinteen in ka badan 37 carruur ah.
Agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa intaasi ku dartay in labo toddobaad gudahooda isku dhaca lagu dhaawacay 50 kale oo carruur ah.
Waxay intaasi ku dartay in tirada carruurta ee dagaalka ku barakacay ay kor u dhaafayso hal milyan.
Bayaan ay soo saartay ayay haweeneydan ku sheegtay inay qasab tahay in si degdeg ah loo joojiyo bartilmaameedsiga Ruushka ee ka dhanka ah shacabka iyo kaabayaasha ay ka midka yihiin isbitaallada , dugsiyada , ilaha biyaha iyo hannaanka faya dhowrka.
Madaxa UNICEF ayaa hoosta ka xarriiqday in carruurta dalka Ukraine ay si aad ah ugu baahan yihiin nabad galyo.