Shiinaha oo ku dhawaad 800 oo kun oo doolar ku taageeraya Ukraine

0
683

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay dalka Ukraine ku caawin doonto gargaar baniaadannimo oo gaaraya 791,540 oo doolar.
Waxaa deeqdan fulinaysa hay’adda laanqeerta cas laanteeda Shiinaha.
Dhaqaalahan oo u dhigma 5 milyan oo ah lacagta yuan ayaa lagu qarash gelin doonaa waxyaabaha daruuriga ee maalinlaha sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Zhao Lijian .
Ilaa iyo hadda dowladda Shiinaha ayaa u muuqato inay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Waxay xukuumadda Beijing ka gaabsatay inay weerarka Ruushka ee Ukraine ku tilmaanto duullaan ama ay si cad u cambaareyso ama u taageerto.