Booliska oo lagu amray inaynan ku xadgudbin wadayaasha mootooyinka

0
693

Ciidamada booliska ee qaybta ka ah howlgalka ka dhanka ah wadayaasha mootooyinka ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu boorriyay inaysan ku xadgudbin ganacsatadan.
Waxaa amarkan soo saaray Edward Mbugua oo ka mid ah ku xigeennada taliyaha guud ee booliska Kenya Hillary Mutyambai.
Sarkaalkan ayaa amray in ciidamada ammaanka aysan qaban wadayaasha mootooyinka ee sida sharciga ah u kala gudbiya badeecooyinka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay sheegay in la guda gelayo geeddisocod mar kale lagu diiwaangelinayo wadayaasha mootooyinka.
Shalay ayay ahayd markii la qabtay 425 shakhsiyaadkan ka mid ah ka dib howlgal ay ciidamadu fuliyeen.
Sidoo kale waxay laamaha ammaanka gacanta ku dhigeen 925 mootooyin ah.
Howlgalka ayaa ah mid lagu xaqiijinayo in wadayaasha dhugdhugleyda ay gudaha wadanka uga shaqeystaan qaab waafaqsan xeerarka dastuuriga oo ay ka mid yihiin shuruucda taraafikada.