Aqalka sare oo u yeeray wasiirka ammaanka si uu uga jawaabo habdhaqanka wadayaasha mootooyinka

0
682

Aqalka sare ee dalka ayaa u yeeray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’I iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai si ay faahfaahin uga bixiyaan qaabka loo maareeyo waaxda mootooyinka ee wadanka.
Senatarrada ayaa dalbaday in tallaabo adag laga qaado shakhsiyaad ka mid ah wadayaasha dhugdhugleyda oo Jimcihii la soo dhaafay haweeney darawalad ah tacaddi jinsiyadeed ugu gaystay waddada Wangari Maathai Road ee magaalada Nairobi.
Xubnaha aqalka sare ayaa hoosta ka xarriiqay in dhacdooyinka noocan ah ay noqdeen kuwo iska caadi oo si joogto ah loo soo tabiyo.
Senatarrada ayaa xusay in sababta aan xal loogu helin habdhaqan xumada qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee falal dambiyeedyada gaysta ay tahay in aan lagula xisaabtamin khaladaadkooda.
Senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja iyo xubnaha kale ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha gudaha iyo abaanduulaha booliska wadanka ay aqalka sare ka soo hormuuqdaan si ay u caddeeyaan tallaabooyinka ay qaadayaan ee lagu xaqiijinayo in ka ganacsiga mootada ee gudaha wadanka uu noqdo mid waafaqsan xeerarka dastuuriga ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegayso inay aqoonsatay eedeysanaha ugu muhiimsan ee tacaddigii loo gaystay haweenka isagoo hadda la raadinaya.