2 milyan oo ka barakacay Ukraine

0
373

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda duullaanka militari ee Ruushka gudaha wadanka Ukraine ay ku barakaceen 2 milyan oo qof.
Waxaa arrinkan barta Twitter-ka shaaca kaga qaaday guddoomiyaha guud ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi.
Mas’uulkan ayaa xusay in barakacayaasha ay raadsanayaan meelo ay nolol ahaan ku badbaadi karaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada barakacayaasha ay suurtagal tahay inay sare u sii kacdo.