Daadgureynta shacabka Ukraine oo billaabatay

0
402

Waxaa billaabatay daadgureynta loo sameynayo saraakiisha iyo muwaadiniinta dalka Ukraine ee ku sugan magaalada Irpin oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Kyiv iyo magaalada Sumy ee ku taalla waqooyiga bari ee wadankaasi oo uu saameeyay duullaanka militari ee Ruushka.
Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in dadkan la geyn doono meelo nabad ah oo ka tirsan Ukraine .
Waxay intaasi ku dartay in go’aankan la qaatay ka dib markii dowladda Ukraine ay ku gacan seyrtay qorsho hore oo ahaa in saraakiisha iyo muwaadiniinta magaalooyinkaasi ku xanniban la geeyo Ruushka ama dalka Belarus.