Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta saraakiisha ammaanka amar ku siiyay inay guud ahaan wadanka ka sameeyaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan ganacsato badan oo si wanaagsan ugu shaqeysta gaadiidkan balse ujeeddada laga leeyahay howlgalka uu yahay in tallaabo sharciyeed laga qaado shakhsiyaadka dhaawacaya sumcadda waaxdan.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska maalinta adduunka ee haweenka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo dadkii Jimcihii ku xadgudbay qof dumar ah.
Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba la aqbali karin in meel looga dhaco xuquuqda dumarka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa intaasi ku daray in la joogo xilli siyaasadeed sidaas awgeedna marka howlgalka la sameeyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xilal doonka ah ay dowladda ku dhaliili doonaan inay bartilmaameedsanayso ganacsatada yaryar.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in taageerada ay dowladdu siisay wadayaasha mootooyinka aynan micnaheedu ahayn inay u dhaqmaan sida ay doonayaan.