Wasiirka waxbarashada oo sheegay in amni darrada Baringo aynan saameyn imtixaanka qaran

0
406

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dhammaan ardayda ismaamulka Baringo ay shalay sameeyeen maadooyinka imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da sidaas awgeedna aynan waxyello ka soo gaarin falal amni darro oo halkaasi ka dhacay.
Shalay ayay ahayd markii koox burcad ah ay weerartay degmooyinka Kapkosum iyo Mochongoi ee Koonfurta dowlad deegaanka Baringo.
Hasa ahaate wasiir Magoha oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Nyeri ayaa hoosta ka xarriiqay in si weyn loo adkeeyay ammaanka gobolka Rift Valley iyadoo imtixaanka uu socdo maalinkii labaad.
Dowladda dhexe ayaa horay u xaqiijisay in si buuxda la sugayo badqabka ardayda sameynaya imtixaanka shahaaddiga ah.
Isku duwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Rift Valley Maxamad Macallin ayaa sheegay inay aad uga walacsanayeen ammaanka ismaamulka Baringo balse ay hadda xasilooni jirto.
Imtixaanka qaran ee KCPE-da ayaa billowday shalay waxaana sanadkan u fariisanaya arday dhan 1,225,507.
Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa laga soo xigtay in imtixaanka lagu sameynayo xarumo gaaraya 28,316 guud ahaan wadanka.