Shirkadda Moderna oo xarun ka furanaysa Nairobi

0
359

Waxaa lagu soo warramayaa inay heshiis gaareen shirkadda soo saarta dawooyinka tallaalka ee Moderna iyo dowladda dhexe ee dalka.
Heshiiska ayaa ku saabsan in shirkaddan ay xarunteeda ugu horreysa ee qaaradda Afrika ay ka furan doonto caasimadda wadanka ee Nairobi.
Waxaa arrinkan bayaan shaaca kaga qaadday xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay aad u soo dhaweynayso inay heshiis la saxiixato shirkadda Moderna si dawooyinka tallaalka loogu soo saaro gudaha wadanka.