Ruushka oo saaka xabad joojin ku dhawaaqay

0
462

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay inay maanta xabad joojin ka dhaqangalayso gudaha wadanka Ukraine oo maalmihii ugu dambeeyay ay xukuumadda Moscow duullaan militari ka waday.
Ruushka ayaa sheegay in shacabka Ukraine ay xor u yihiin inay caddeeyaan meelaha ay doonayaan in loo daadgureeyo.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkiisu uunan ciidamo dheeraad ah gayn doonin Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ay sheegtay inay dagaalka ku barakaceen in ka badan 1.7 milyan oo qof.