Wasaaradda waxbarashada ee dalka oo ka digtay in takoorid diimeed laga gaysto dugsiyada

0
472

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa digniin u dirtay madaxda dugsiyada oo ku xadgudba xuquuqaha diimeed ee ardayda.
Wareegto uu soo saaray xoghayaha joogtada ah ee waaxda waxbarashada aasaasiga Dr. Julius Jwan ayaa faray agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada inay hubiyaan in ardayda laga ilaaliyo nooc kasta oo takoorid diimeed ah.
Waxaa uu xusay in dugsiyada qaarkood ay diinta u adeegsadaan arrin arday qaar ah loogu diido inay dugsiyada soo xaadiraan.
Dr. Julius Jwan ayaa xusay, qaar ka mid ah xadgudubyada diimeed ee lagula kaca ardayda ama laga gaysto xarumaha waxbarashada, waxaana ka mid ah, mamnuucidda xirashada dhar diimeed sida xijaabka, qamaar iyo sidoo kale in arday qaar lagu qasbo qaadashada maadooyinka diiniga ah.
Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin in shakhsi uu ku xadgudbo sharciga iyo dastuurka dalka.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda waxbarashada aasaasiga Dr. Julius Jwan ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda ay ka ka go’an inay hubiso in la ilaaliyo xuquuqda diimeed ee ardayda islamarkaana loo oggolaan doonin maamulayaasha xarumaha waxbarashada iyo cid kasta oo ay khusayso inay ku xad-gudbaan xuquuqda ardayda.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii maxkamadda sare ay laashay xukun ay saartay maxkamad hoose, kaas oo hor istaagayay in ardayda gabdhaha ay xirtaan qamaarka dumarka muslimiinta ay madaxa ku dabooshaan.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa caddeynaysa in farqada 4-aad ee sharciga xuquuqaha uu muwaadinta siinayo xorriyadda aasaasiga ah, loona baahan yahay in la ilaaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here