Kenya oo sheegtay in cudurka indho caseeye (Yellow Fever) uu ka dilaacay dalka ka dib 3 qof oo ugu dhimatay Isiolo

0
595

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xaqiijisay in uu Kenya ka dilaacay cudurka loo yaqaano Yellow Fever kaas oo kiisaskiisa ugu horreeyay laga helay deegaannada Merti iyo Garbatulla ee ka tirsan ismaamulka Isiolo.
Cudurkan oo sidoo kale soomaalida u taqaano indho caseeye ayay wasaaradda caafimaadka ee Kenya sheegtay in ilaa hadda 15 qof laga helay xanuunkan.
Shakhsiyaadkan laga helay cudurkan ayaa isku arkay astaamaha lagu garto sida, qandho iyo muruqyo xanuun.
Waxaa dadka laga helay xanuunkan da’adooda u dhexeysa 11 ilaa 65 sano jir.
Sidoo kale dadka uu haleelay cudurkan ayaa u badan rag da’ayar oo qaangaar ah.
3 qof ayay wasaaradda caafimaadka sheegtay in ilaa iyo hadda cudurka u geeriyoodeen.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa hadda diyaarineysa qorshe degdeg ah oo looga hortaggi karo faafitaanka cudurkan.
Waxaa ay dhanka kale u aqoonsatay ismaamulada sida Wajeer, Garissa, Marsabit, Meru, Samburu, Baringo, Elgeyo Marakwet, West Pokot iyo Turkana in ay khatar ugu jiraan inuu ka dilaaco cudurka Yellow Fever.
Sidaa awgeed wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay inay qorshayneyso inay tallaalka Yellow Fever gayso dowlad deegaanka Isiolo, iyo ismaamullada kale si looga hortaggo khatarta uu leelahay xanuunkan.
Fayraskan ayaa intaa badan saameeya beerka iyo kelyaha, waxaana gudbisa Kaneecada.