5 qof oo lagu dilay sohdinta ay wadaagaan ismaamullada Wajeer iyo Isiolo

0
531

Waxaa lagu soo warramayaa in la xaqiijiyay geerida 5 qof oo ku dhintay iska hor imaad u dhaxeeyay laba beelood oo xoolo dhaqato ah, kaasoo ka dhacay deegaanka Degogicha ee ee ka tirsan ismaamulka Isiolo.
Iska hor imaadka labada beelood ayaa billowday saddex cisho ka hor.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa xilli uu la hadlay idaacadda maxalliga Capital FM, ayaa sheegay in is-rasaasayn ay dhacday, ka dib markii shakhsiyaad kasoo jeeda beel degto ismaamulka Wajeer ay daaq iyo biyo dhaamin u radsadeen xadka ay wadaagaan dowlad deegaanka Isiolo, kuwaas oo ka dib weerarray  mid ka mid ah beelaha degga Isiolo.
Mr. Shioso ayaa dhanka kale sheegay in booliska ay shalay kaymaha ku yaalla goobtii lagu dagaalamay kasoo saareen meydadka afar qof, ka dib howlgal ay ku baadigoobayeen shakhsiyaadka dhintay.
Afhayeenka booliska ayaa xusay in si tartiib ah ay dib ugu soo laabanayso xasiloonida aagii lagu dagaalamay, isagoo tilmaamay in maamulka, madaxda deegaanka iyo odayaasha ay bilaabeen olole nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in halkaasi la geeyey saraakiil ciidan, si ay xasiloonida dib ugu soo celiyaan
Shioso ayaa ugu baaqay dadka haysta hubka sharci darrada ah in ay ka faa’ideystaan cafis ay dowladdu u fidisay cid kasta oo haysata hub aan sharciyaysneen si ay u soo wareejiso.