Isbeheysiga Kenya Kwanza oo ka digay in lagu shubto natiijada doorashada guud ee soo socoto

0
547

Qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee xulafada la ah isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa sheegay in isku day kasta oo ku aaddan in lagu shubto natiijada doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay dalka gelin doonto xaalad adag.
Waxaa ay carrabka ku dhufteen in hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja loo uu yahay mid loogaga adkaan doono loolanka madaxtinnimo sidaas awgeedna ay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo saaxiibadiisa ay ka codsanayaan inay aqbalaan natiijada kasoo bixi doonto doorashada guud ee sanadkan.
Waxaa ay ka digeen in tallaabo kasta oo wax isdaba marin lagu sameeyo doorashada ay meesha ka saarayso guulihii dimuqraadiyadeed ee uu dalka gaaray.
Siyaasiyiintan ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa arrimahan ka hadlay xilli ay shalay ololahooda ay ku doonayaan xilka madaxtinnimo ee dalka ay geeyeen ismaamullada Trans-Nzoia iyo Uasin Gishu.
Madaxdan waxay kala ahaayeen hoggaamiyaha xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula, xildhibaanka deegaanka Endebess Robert Pukose dhigiisa Kiminini Chris Wamalwa ee ka wada tirsan dowlad deegaanka Trans-Nzoia iyo senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Kithure Kindiki.
“Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga waa in ay si nabad ah saaxadda siyaasadeed uga fariistaan” ayuu yiri senetarka ismaamulka Bungoma ahna hoggaamiyaha xisbiga Ford-kenya Moses Wetangula.
Mr. Wetangula ayaa ka codsaday kenyaanka inaysan wakhtigooda ku lumin taageerrada dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Azimio.
Waxaa uu intaasi ku daray inaysan jirin waddo uu ra’iisul wasaarihi hore ee dalka uga adkaan karo isbeheysiga Kenya Kwanza maadaama sida uu ku andacoonayo Wetangula uu Raila lumiiyay kalsoonida muwaadiniinta.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in Kenya Kwanza ay diyaar u tahay inay la shaqeyso hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka si loo xaqiijiyo riyooyinka malaayiinka kenyaanka ee caadiga ah.