DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo caddeeyay inuu doonayo doorasho xor ah

0
402

Afhayeenka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ,Kanze Dena oo maanta wareysi gaar ah siisay idaacadda Inooro ayaa sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii ay wadanka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in hoggaamiyaha wadanka uu mudnaanta koowaad siinaya in codeynta 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ku qasoonto jawi nabad ah.
Mrs. Dena oo arrintan faahfaahinaysa ayaa tusaale u soo qaadatay diyaar garowga la xiriira doorashada guud ee ay ku howlan yihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladda dhexe.
Hadalka afhayeenka State House ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu sheegay inuu jiro qorsho lagu doonayo in lagu farageliyo rabitaanka shacabka marka la gaaro xilliga codeynta guud.
Ruto ayaa xusay inay aad muhiim u tahay in kenyaanka fursad loo siiyo inay hoggaanka wadanka u doortaan musharraxa madaxweyne ee ay doonayaan iyadoo aan la cabsi gelin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay eedeyn ah in mararka qaar awoodda dowladda loo adeegsado in siyaasiyiin mucaarad loo arko lagu bartilmaameedsado.
Dhanka kale Kanze Dena ayaa xustay in madaxweynaha dalka uu ku dadaalayo sidii lagu dhameystiri lahaa mashaariicda horumarineed ee maamulkiisa ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkiisa.
Waxay tilmaantay in marka la eego qaabka ay dowladuhu u shaqeeyaan in haddii aan mashruuc la dhameystirin ka hor doorashada guud , uu howshaasi la wareegayo maamulka xiga ee qabto hoggaanka wadanka.