Aqalka sare oo baaritaano ku hayo dhulal la sheegay in laga dhacay Islii iyo Pumwani

0
406

Guddiga aqalka sare u qaabilsan dowlad wadaajinta ayaa maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee NMS u qabtay ilaa 7-da bishan Saddexaad si uu faahfaahin dhameystiran uga bixiyo dhulal lagu muransan yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii agaasimaha arrimaha dhulalka iyo sharciyada ee NMS Stephen Mwangi uu ku guul dareystay inuu caddeeyo milkiilayaasha rasmiga ee dhulal ku yaalla xaafadaha Pumwani iyo Islii ee magaalada Nairobi oo la rumeysan yahay in si sharci darro ah lagula wareegay.
Mr.Mwangi ayaa hoosta ka xarriiqay in dhulalkaasi xilli hore la bixiyay sidaas awgeedna uu u baahan yahay muddo dheeraad oo uu dabagal ku sameyn karo.
Qayb ka mid ah dhulalka lala wareegay ayaa waxaa deggana shaqaalaha shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee magaala madaxda wadanka.
Guddiga arrimaha dowlad wadaajinta ee aqalka senate-ka oo uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Homa Bay Moses Kajwang ayaa sidoo kale u yeeray agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Cabdalla Badi iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Hillary Mutyambai.
Tani ayaa qayb ka ah baaritaannada lagu xaqiijinayo in maamulka NMS uu garab siinayo dadaallada sida sharci darrada ah lagula wareegayo dhulalka dowladda.
Abaanduulaha booliska ayaa dhankiisa laga doonaya inuu ka jawaabo eedeynta ah in qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka loo adeegsaday barakicinta shakhsiyaadkii degganaa dhulalka la rumeysan yahay inay boobayaan maalgashato aan ilaa iyo hadda la magacdhawin.