Dab ka kacay xarunta nukliyeerka ee Ukraine

0
369

Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab qabsaday warshadda lagu sameeyo hubka nukliyeerka ee dalka Ukraine in kastoo ugu dambeyn lagu guulaystay in la damiyo.
Xarunta oo loo yaqaano Zaporizhzhia ayaa ah midda ugu wayn ee nukliyeerka ee qaaradda Yurub waxayna ku taalla magaallada Energodar.
Maamullada dalkaasi u qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ayaa barta Facebook-ga ku sheegay inaysan jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay dabka.
Qoraalka waaxda gurmadka waxaa qayb ka ah in 40 sarkaal iyo 10 baabuur ah loo adeegsaday daminta dabka.
Dowladda Ukraine ayaa horay u sheegtay in ciidamada Ruushka oo wadankaasi duullaan militari ku haya ay weerareen warshadda nukliyeerka.
Waxay intaasi ku dareen in Ruushku uu sidoo kale dab qabadsiiyay dhisme ka kooban 5 dabaq oo tababarrada lagu bixiyo kaasoo ka ag-dhow xarunta nukliyeerka.