Musharraxiinta madaxweyne oo dood loo qabanayo bisha Toddobaad

0
452

Ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha warbaahinta dalka ayaa isagoo kaashanaya dalladda tifaftirayaasha iyo golaha warbaahinta wadanka ee MCK billaabay qorsho ku saabsan in bisha Toddobaad ee sanadkan doodo loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo iyo ku xigeenadooda.
Bayaan uu maanta soo saaray guddoomiyaha ururka milkiilayaasha shirkadaha warbaahineed ee dalka Stephen Gitagama ayuu ku sheegay in taariikhda doodaha dib laga shaacin doono.
Waxaa uu intaasi ku daray inay arrintan kala shaqeyn doonaan daneeyayaasha siyaasadeed si musharraxiinta ay kenyaanka ugu soo bandhigaan waxyaabaha u qorsheysan.
Madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee Kenya Editors Guild Churchill Otieno ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in doodaha loo wajihi doono qaab ay caddaalad ku dheehan tahay oo aan loogu eexan musharrax gaar ah.
Madaxa fulinta ee golaha warbaahinta ee MCK David Omwoyo ayaa dhankiisa tilmaamay in codbixiyeyaasha laga doonayo inay siyaasiyiinta xilal doonka ah ku qiimeeyaan danta ugu jirto waxyaabaha ay mudnaanta koowaad siinayaan.