25 milyan oo laga dhacay bangi ku yaalla Bungoma

0
521

Koox burcad ah oo aan weli haybtooda la garan ayaa fal dhac ah ka gaystay bangiga Ushirika ee deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma.
Waxay halkaasi ku dhaawaceen saddex qof iyagoo la baxsaday qiimo lacageed oo dhan 25 milyan oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda ay bartilmaameedsatay saraakiil boolis ah oo lacagta ka soo saaray bangiga si loogu bixiyo musharaadka shaqaalaha qaxwada.
Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in burcadda ay ka taag roonaatay ilaalada bangiga iyo maareeyaha xaruntaasi.
Xildhibaanka deegaanka Kimilili Didmas Barasa ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Mr.Hilary Mutyambai ka dalbaday inuu deegaankaasi ka soo wareejiyo askarta in muddo ah ka shaqeynayay si xal loogu helo habacsanaan dhanka sugidda ammaanka oo uu ku andacoonayo.