Kenya oo cambaareysay qaabka muwaadiniinteeda iyo Afrikaanka kale ee ka cararay Ukraine loola dhaqmayo

0
399

Dowladda Kenya ayaa cambaareysay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda iyo kuwo u dhashay dalal kale oo Afrikaan ah, lagula kacay falal cunsurinimo xilli ay doonayeen inay ka cararaan duullaanka Ruushka uu ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine.
Wakiilka joogtada ah ee Kenya u fadhiya golaha ammaanka ee qaramada midoobay Martin Kimani ayaa sheegay in falcelinta bini’aadannimo ee dadka ka soo cararay Ukraine ay noqotay mid lagu cunsuriyeeyo shakhsiyaadka asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika.
Xilli uu shalay ka hadlayay kal fadhiga 11-aad ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay oo diiradda lagu saaray xaaladda dalka Ukraine ayuu Ambasador Kimani sheegay in dhowr dowladood oo ku yaalla Afrika iyo kariibiyaanka ay soo gaartay cabashooyin kaga yimid muwaadiniintooda oo sheegay in loola dhaqmay si cunsurinimo iyo si sharaf darro ah meelaha qaar ee xuduudaha.
“Waxaa jira warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ardayda Afrikaanka ah lagu amray inay istaagaan safka gadaal marka ay doonayaan inay raacaan basaska iyo tareennada u socda xadka ay Ukraine la wadaagto dowladaha kale” ayuu yiri Martin Kimani.
Waxaa uu danjiraha dhanka kale sheegay in ay tahay wax laga naxo in cunsuriyad lagu sifeeyo muujinta midnimada qaybo ka mid ah Yurub.
Sidoo kale waxaa uuu dalalka deriska la ah Ukraine ku boorriyay inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan ka hortagga saraakiisha ama cutubyada laga yaabo inay ku kacaan falal ka turjumaya dhaqamada aan la aqbali karin sida cunsuuriyadda iyo eexashada .