Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda boqolkiiba 27.9 ee dadka waawayn la siiyay dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay heerka xaaladaha corona ee gudaha Kenya lagu sheegay boqolkiiba 0.6 .
Guddiga qaran ee loo xilsaaray inuu si degdeg ah uga falceliyo cudurka ee (NERCC) ayaa xusay in guud ahaan wadanka laga bixiyay dawooyinka tallaalka oo gaaraya 16,691,191 tan iyo markii ololahan qaran la billaabay bishii Saddexaad ee sanadkii hore.
Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa sidii ay tallaalka u qaadan lahaayeen 27,246,033 oo kenyaan ah.
Marka la eego qaadashada tallaalka ee dadka waawayn ee ku nool ismaamullada wadanka waxaa ugu horreysa Nyeri oo ah boqolkiiba 49.8 , dowlad deegaanka Nairobi waa 45.8 boqolkiiba halka Kirinyaga ay tahay boqolkiiba 35.6 .