Waxaa xilka afhayeenka ololaha madaxweynenimo ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga loo magacaabay Prof. Makau Mutua.
Aqoonyahaanka ayaa ka mid ah barayaasha jaamacadda New York State University ee Maraykanka sidoo kalena ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC).
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay ODM oo sidoo kale lagu daabacay barta rasmiga ee Twitter-ka Mr. Odinga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa Prof.Makau Mutua ugu hambalyeeyay jagada cusub ee loo magacaabay.