Wasiirka wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga ee dalka Betty Maina ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doonto xilka wasiirka arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Arrintan ayaa lagu xaqiijiyay qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka wasaaradda.
Tani ayaa timid ka dib markii Aadan Maxamad oo wasaaraddan madax ka ahaa uu is casilay horraantii bishii labaad ee sanadkan.
Waxaa uu Aadan ka mid noqonaya siyaasiyiinta bisha Siddeedaad u tartami doono xilka barasaabka ee dowlad deegaanka Mandera.