Kenya oo lagu ammaanay inay saxiixday qaraar ka dhan ah afgembiga dowladaha

0
385

Sagaal ka mid ah danjirayaasha waddamada kale ee caalamka ku matalo Kenya ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay go’aanka ay ku saxiixday heshiiska Midowga Afrika ee looga soo horjeedo afgembiyada militari ee lagu bartilmaameedsado maamullada kala duwan.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay dhanka kale safiirrada ku sheegeen in Kenya ay xilli hore isku diyaarinayso maareynta doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxay siyaasiyiinta ku boorriyeen inay u hoggaansamaan mabaadi’ida ku xusan qaraarka ee ku saabsan dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga.
Danjirayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in codeynta ay ku dhacdo jawi deggan .
Bayaanka safiirrada waddamada shisheeye ee dalka waxaa ku cad in Kenya ay dowladaha kale ee Afrika ku hoggaaminayso dhanka dimuqraadiyadda.