Gachagua: Qofka ku xigeen u noqon doono Ruto waxaa laga soo saari doonaa gobolka Mt.Kenya

0
389

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua ayaa sheegay in shakhsiga ku xigeen u noqon doono madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto marka la gaaro doorashada bisha siddeedaad ee sanadkan laga soo saari doono gobolka bartamaha wadanka ee Mt.Kenya islamarkaana aysan ahayn gobolka galbeedka dalka.
Wareysi uu siiyay teleefishinka Citizen ayuu Gachagua sheegay inay ka war qabaan arrinta madaxa xisbiga ANC ee Musalia Mudavadi .
Mr.Gachagua ayaa xusay in shirka qaran ee ergooyinka UDA la qaban doono 15-ka bishan si daaha looga rogo musharraxooda Dr.William Ruto iyo waxyaabo kale.
“Inta aan ogahay Ruto waa musharrax u taagan xilka madaxtinimada, qofka ku xigeen u noqon doona uu ka soo baxayo gobolka bartamaha dalka wakhtiga loogu tala galay” ayuu yiri mudanaha deegaan baarlamaneedka Mathira.
Gachagua ayaa sheegay in Mudavadi iyo hoggaamiyaasha Kenya Kwanza ay arrintan si dhow ula socdaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inaysan marnaba doonayn inay dadka been u sheegaan ama marin habaabiyaan.
Waxaa uu xusay in shaqada rasmiga ee uu qabanaya Musalia Mudavadi dhawaan la shaacin doono.
Hasa ahaate xisbiga ANC ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu gaashaanka ugu daruuray hadalka ka soo yeeray xildhibaanka Mathira.
Xoghayaha guud ee ANC Simon Gikuru ayaa sheegay in Gachagua uunan awood u lahayn inuu u hadlo isbeheysiga Kenya Kwanza sidaas awgeedna hadalkiisa aan waxbo laga soo qaadayn.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza uusan wali go’aan ka gaarin cidda tartanka xilka madaxtinnimada uga qayb gali lahayd iyo shakhsiga loo soo xulanaya madaxweyne ku xigeen.
Dhankiisa senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa u sheegay Mr. Gachagua in Kenya Kwanza hadafkoodu ahayn inay dalka u kala qaybiyaan gobollo.
Malala ayaa bayaan ku xusay inuusan weli jirin heshiis ay gaareen madaxda isbeheysiyadaan ee kala ah William Ruto, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.
Waxaa uu ku baaqay deganaansho, isagoo ku nuuxnuuxsaday in marka madaxdan ay ka soo laabtaan safarka ay ku joogaan dalka dibaddiisa ay qudoodha arrintan si faahfaahsan uga hadli doonaan.