Qasnad hayaha xisbiga UDA Omingo Magara ayaa lagu soo warramayaa inuu isaga baxay xisbigaasi.
Magara ayaa xusay inuu xisbiga isaga tagay ka dib markii uu wadatashi la sameeyay dadkiisa ismaamulka Kisii.
Waxaa uu sheegay inay u muuqato in dadweynaha Kisii ay codkooda la damacsan yihiin meel aan ahayn jihada siyaasadeed ee uu hayay.
Maalmo ka hor ayuu mas’uulkan beeniyay inuu ka tagay xisbiga UDA ka dib markii magaciisa uu qabsaday baraha bulshada.
Sida lagu soo daabacay baraha bulshada ay ku wada xiriirto Magara oo ah shakhsi aad ugu dhow magadaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa la sheegay inuu ka baxay UDA kuna biiri rabo higsiga mideynta ee Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.