Belarus oo diyaarisay goobta lagu qabanayo wadahadallada Ukraine iyo Ruushka

0
413

Goobta lagu qabanayo wadahadallada u dhexeya dowladaha xasaradda ka dhexeyso ee Ruushka iyo Ukraine ayaa la diyaariyay, sida ay ku warrantay wakaallada wararka ee Belarusian-ka ee Belta, iyadoo soo xiganeysa afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Anatoly Glaz ayaa sheegay in wadahadallada ay billaaban doonaan islamarkaana ay wufuud ka kala socota labada dhinac ay yimaadaan goobta.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyada oo duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah Ukraine uu galay maalinkii shanaad.