Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa ka digay isbeheysiyada siyaasadeed ee laga aasaasaya gudaha wadanka.
Waxaa uu soo jeediyay in fursad ay ku kobcaan la siiyo xisbiyada yaryar.
Muturi oo ah madaxa xisbiga DP sidoo kalena doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ayaa xusay in isbeheysiyo la sameeyo keliya aan loogu guulaysan karin dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xisbiyada yaryar uga digay inay ku biiraan isbeheysiyada waawayn.