Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta u ambabaxay safar qaadan doono 12 cisho oo uu ku soo marayo Maraykanka iyo Ingiriiska.
Waxaa uu halkaasi kula kulmi doonaa Kenyaanka qurbajoogta ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Turkana ahna madaxa xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Ruto , Josephat Nanok ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday barta Twitter-ka.
Nanok ayaa xusay inuu hoggaamiyaha labaad ee Kenya ku wehelin doono safarka uu ku tagaya dalka dibadiisa.
Madaxa xiriirka caalamiga ee ololaha Ruto , Ababu Namwamba ayaa horay u sheegay in safarka madaxweyne ku xigeenka dalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska uu yahay mid uu ku tixgelinayo casuumaad rasmi ah oo ay u fidiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladahan iyo machadyada xeer dejinta.
William Ruto ayaa inta uu socdaalkiisa ku guda jiro waxaa uu mas’uuliyiin kala duwan la wadaagi doonaa aragtidiisa ku saabsan siyaasadda dibadda , dimuqraadiyadda , maamulka iyo hiigsigiisa dhaqaale ee Kenya ama si guud qaaradda Afrika.
Waxaa uu qorshuhu yahay in magaalada Washington ee Maraykanka uu kula kulmo saraakiil ay ka mid yihiin kuwa waaxyaha arrimaha dibadda , gaashaandhigga iyo la taliyaha amniga qaranka ee dowladda Maraykanka.
Sida laga soo xigtay Ababu Namwamba , William Ruto ayaa khudbado ka jeedin doono xarumaha Carnegie Endowment for International Peace, the Center for Strategic and International Studies, iyo jaamacadda Arizona qaybteeda ganacsiga.
Sidoo kale William Ruto waxaa uu kulamo la qaadan doonaa xubnaha sare ee boqortooyada Ingiriiska isagoo booqan doono xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa la filaya inuu khudbado ka jeediyo xarunta xoghaynta waddamada barwaqa sooranka ah ee Commonwealth iyo machadka arrimaha caalamiga ee Royal Institute of International Affairs.