DHAGEYSO:Uhuru: Isbeheysiyada Azimio-OKA waxay labo toddobaad gudahood soo saarayaan musharrax madaxweyne

0
714

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kala ah hiigsiga mideynta shacabka ee Azimio La Umoja, isbeheysiga One Kenya Alliance ee (OKA) iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee Jubilee kuwaas oo shalay midoobay ay muddo laba toddobaad gudahood shaaca kaga qaadi doonaan cidda calanka u sidi doonto doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa daaha ka qaaday in isbeheysiyadan ay socdaallo ku mari doonaan guud ahaan dalka islamarkaana ay wadatashi sameyn doonaan ka hor inta aynan ku dhawaaqin hal musharrax oo ku matali doono loolanka madaxtinnimo ee wadanka.

Mr. Kenyatta ayaa arrintan shalay kaga dhawaaqay garoonka Kasarani ee magaaladatani Nairobi, halkaas oo uu ka qabsoomay kulanka ergada qaran ee xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay inuu yahay musharraxa madaxweyne ee xisbiga ODM oo ka tirsan dalladda Azimio balse uu diyaar u yahay wada hadallo siyaasadeed oo iskaashi ku saleysan.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa xusay in isbeheysiga OKA uu diyaar u yahay wada shaqeyn kala dhexeysa Azimio iyo Jubilee balse ay doonayaan in heshiisyada la gaarayo ay noqdaan kuwo qaabeysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay aad uga taxadarayaan gacan bidixeyn horay lagula kacay sidaas awgeedna uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u wakiilanayo hoggaaminta wada hadallada iyo is-afgaradka siyaasadeed.
Guddoomiyaha xisbiga Wiper Chirau Cali Mwakwere oo caddeeyay mowqifkooda siyaasadeed ayaa yiri.

Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu isla shalay kulankii ergada qaran ee xisbiga Jubilee kaas oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC kaga dhawaaqay in xisbigan uu si buuxda ugu biiray higsiga mideynta ee Azimio la Umoja ee uu hor kacaya Raila Odinga.
“Waxaan ahay xubin ka tirsan xisbiga Jubilee, balse maanta laga billaabo, maskaxiyan, hadal ahaan, dhiig iyo niyad ahaan waxaan la midoobay isbeheysiga Azimio La Umoja.” ayuu yiri Mr. Uhuru Kenyatta
Waxaa uu xusay in shaki la’aan uu dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Azimio La Umoja ku guleysan doono doorashada guud ee soo socoto.