Ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa dagaal ku dhexmaray bartamaha caasimadda Ukraine saaka, iyadoo mas’uuliyiintu Ukraine ay ku boorriyeen muwaadiniinta inay gacan ka geystaan sidii magaalada looga difaaci lahaa ciidamada Ruushka ee duullaanka soo qaaday.
Rasaas xooggan, ayaa laga maqlayaaa bartamaha magaalada, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan caasimadda Kyiv.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla waddo muhiim ah, balse weerarkaasi waa la iska caabiyey.
Dhanka kale taliska milatariga Ukraine ayaa sheegay in aagagga u dhow magaalooyinka Sumy, Poltava iyo Mariupol lagu garaacay duqeymo xagga cirka ah, iyada oo gantaallada Kalibr ee Ruushka laga soo riday badda madow.