Nato oo ciidamo iyo diyaarado gaysay bariga qaaradda Yurub

0
454

Xoghayaha guud ee isbehesysiga gaashaanbuurto Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in ciidamadooda gaashaandhiga ay ku wajahan yihiin bariga qaaradda Yurub si ay u difaacaan.
Jens Stoltenberg oo saxafiyiinta kula hadlay xarunta dhexe ee Nato ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo xubnaha isbeheysigan qaab fogaal arag ah uga qayb qaateen shir jaraa’id, ayay sheegeen in qaybtooda amniga ay horay u xoojiyeen difaacooda.
Waxaa uu sheegay in kumanaan ciidan oo isugu jiro kuwa dhulka, badda, hawada iyo in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ah oo heegan sare la geliyay islamarkanaa ay ka howlgalayaan 30 goobood oo ku yaalla bariga qaaradda Yurub.
Waxaa uu sarkaalkan hoosta ka xarriiqay in ciidamada la geeyay halkaas ay difaaci doonaan taako kasta oo ka mid ah dhulka ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah Nato.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan Ukraine iyo dalalka kale ee khatarta ugu jira howlgalka uu Ruushku ka billaabay gobolka bariga Yurub, sida Georgia, Moldova iyo Bosnia.
Waxaa xusid mudan in Nato ay horay u sheegtay inaysan ciidan u diri doonin Ukraine, oo aan xubin ka ahayn isbehysigan.